Wararka

Guddigii qaban-qaabada shirka dib u heshiinta Beelaha daga  Galmudug oo gaaray Dhuusa-mareeb.

Gudigii dowlada fadaralka soomaliya ay u  xilsaartey qaban-qaabada shirka dib u heshiinta Beelaha daga  Galmudug ayaa maanta gaarey magalada Dhuusa-mareeb ee xarunta mamulka Galmudug.

Xubnaha gudiga ay wasaaradda Arimaha gudaha Soomaaliya u xilsaartay xalinta khilaafaadka Galmudug ayaa waxaa hogaaminaya  Prof: Cabdiraxmaan Macalin Cabdullahi Baadiyow oo ah La-taliyaha sare ee Ra’isul wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Nabadeynta iyo Dib u heshiinta waxaana garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur ee magalada Dhuusa-mareeb  ku soo dhaweeyay guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Axmed Cali Jimcaale.

Gudigaan ayaa  ka kooban 12 xubnood waxana dhowaan magacaabay Wasiirka arimaha gudaha xukuumada fadaralka Soomaaliya  waxaana loo xilsaaray  xal u raadinta beelaha wada dega maamulka Galmudug kuwaas oo in mudo ah uu ka dhaxeysay khilaaf xoogan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close