Ciyaaraha

Dani Alves oo qiray ina Neymar uusan farax saneen.

Xidiga garabka uga ciyaara kooxda PSG ee Neymar  ayaa si la yaab leh u qirtay arin ku saabsan mustaqbalkiisa, xidiga garabka uga ciyaara kooxda PSG  ee Neymar kaas oo  uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda ka dhisan caasimada Paris ee wadanka Germany.

Dani Alves ayaa qiray in uuna xidiga ay isku dalka yihiin ee Neymar ku faraxsanayn kooxda Paris Saint-Germany  ee ku ciyaarta GAROONKA PARC DES PRINCES.

Xidiga reer Brazil ayaa u muuqda mid aan ku faraxsanayn kooxda PSG sida foosha xun ugaga hadhay tartanka champions league kagana hadhay gacanta Man United.

Laakiin markan ayaa ah markii ugu horaysay ee ay xidiga ay isku kooxda yihiin sida furan uga hadlay isaga oo qirtay in uu xidiga ka niyad jabsan yahay fashilka kooxda.

“Neymar wuu niyad jabsan yahay sababta oo ah ma helayo natiijooyinka uu doonay” ayuu Alves u sheegay ESPN .

“aad ayuu uga xanaaqsanyahay waxana uu doonayaa in uu  joogo halka ugu saraysa kubada cagta”

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close