Wararka

Dalalka Brazil iyo Shiinaha oo kala saxiixday heshiisyo horumarineed.

Madaxweynaha dalka Brazil Jair Bolsonaro ayaa ka qayb galay munaasabad ay mashaaric kala duwan ku kala saxiixanaayeen wasiiradda arrimaha dibadda labada dal ee Shinaha iyo Brazil waxaana kulankaasi ku wehlinaayay dhigiisa dalka Shiinaha Xi Jinping.

Intii uu kulankaasi socday ayaa wasiiradda arrimaha dibadda ee labadha dhinac Wang Yi iyo  Ernesto Araujo ay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan sidii sare loogu qaadi lahaa wadashaqaynta diblumaasiyadeed iyo wadashaqaynta xagga waxbarashada.

Madaxweynaha dalka Brazil Jair Bolsonaro, ayaa dalka Shiinaha ku jooga booqasha rasmi ah oo seddex maalin ah, inta uu halkaasi kusuganyahayna waxaa uu kulamo dheeraad ah la qaadan doonaa dhigiisa Shiinaha Xi Jinping.Image may contain: 2 people, people smiling, suitImage may contain: 3 people, people standing and suitImage may contain: 3 people, people sitting, suit, wedding and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close