Wararka

Wasiiro ka tirsan mamulka Puntland oo hortagay golaha wakiilada ee mamulkaas…..

Golaha Wakiillada Dawlad goboleedka Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Abdirashid Yusuf Jibril ayaa yeeshay Fadhiga 23-aad ee Kalfadhiga 47-aad.

Ajandaha Fadhiga maanta ayaa ahaa La Xisaabtanka Xukumadda, waxaana Golaha hor-yimi Wasiiradda Wasaaradaha kala ah; Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Iskaashiga caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xassan Shire Cabdi (Abgaal), Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Wershadaha iyo Maalgashiga Cabdullahi Cabdi Xirsi, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdiqani Geelle Maxamed iyo Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Cabdiwali Seed Cilmi.

Wasaaradaha oo isku ah Guddiga Dib u habeynta Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa ugu horeyn waxaa warbixintooda si guud u soo jeediyey Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Iskaashiga caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange isaga oo ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaraddaha, qorshayaasha u degsan, caqabadaha haysta iyo waxyaabaha u qaab-soomay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close