Wararka

Taliyaha Cidanka Dhulka Soomaaliya oo kormeer ku tagay deegaano hoos taga Caasimadda Galmudug.

Taliye ku xigeenka ciidamada dhulka Soomaaliya S/G Xuseen Xoosh Cali Ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaano hoos taga Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Taliye Xuseen ayaa kormeerka shaqo ku tagay deegaanka Beer liibaan oo dhanka beri kaga beegan magaalada Dhuusamareeb.

Deeganada uu booqday taliyaha waxaa ku sugan ciidamo macawislay ah kuwaas oo ay dadka deegaanka abaabuleen una diyaarsan in ay la dagaalamaan kooxda Alshabaab.

Taliyaha ayaa dhiira galin u sameeyay ciidamada is abaabulay ee ku suganaa deegaanadii uu maanta booqday wuxuuna u balan qaaday in ay dowladu ku garab siin doonto howsha ay wadaan oo ah la dagaalanka Alshabaab.

Kormeerkan waxaa Taliyaha ku wehliyay, Saraakiil ka tirsan Qaybta 21-aad, Maamulka Degmada Dhuusamareeb oo uu horkacayay Duqa Degmada Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow iyo Masuuliyiin kale.May be an image of 4 people, people standing and military uniformMay be an image of 6 people, people standing and military uniformNo photo description available.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close