Wararka

dadkii waxyeelada ka sooo gaarta  daadadkii kadhacay galbeedka wadanka Indonesia oo sii kordhay.

Sida ay shegeen Masuuliyiinta hay’adda maareynta masiibooyinka qaranka ee dalka Indonesia waxa sii kordhay dadkii waxyeelada ka sooo gaarta  daadadkii kadhacay galbeedka wadankaasi iyadoona manta oo isniin ah ay gaartay dhimashadu  31 rux .

Guddiga Qaranka ee Maareynta Musiibooyinka ee loosoo gaabiyo  (BNPB) ayaa sheegay in 29 qof ay ku dhinteen gobolka Bengkulu ee ku yaal xeebta koonfur galbeed ee Sumatra,halka afar kalana ay ku dhaawacmeen waxayna xuseen in illaa hadda ay maqanyihiin 13rux.

Daadadka iyo dhul-goysmada ka jirta dalka Indonesia ayaa samaysay illaa 13,000 qof waxaana dib u dejin loo sameeyay  12,000 oo ay musiibada haleeshay.

Duufaantaan ayaa waxyaalaysay 184 guri, toddoba xaruma waxbarasha, waddooyin waweyn iyo kaabayaal kala oo muhiim ah.

Labadii isbuuc ee ugu danbaysay laba rux ayaa ku haligmay daadad ka dhacay caasimada Jakarta waxaana ku bara kacay inkabadan 2,000 qof.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close