Wararka

(AKHRISO):War-bixin ku aadan xuska dabaal dagga maalinta qoraalka iyo akhriska addunka.

Sanad waliba maanta oo kale, 8-da Bisha 9-aal  waxaa caalamka looga dabaal dagaa maalinta qoraalka iyo akhriska addunka si dadka loo xasuusiyo faa’iidada qorista iyo akhriska ugu jirto sharaftooda iyo noolashooda.

Hay’adda caalamiga ah ee u xilsaaran waxbarashada addunka ee UNESCO ayaa 26-kii bishoo October sanadkii 1966 ku dhawaaqday in ay maalinta 8-aad ee bisha 9-aad sanad walbo u gooni yeeshay in la xuso maalinta qoraalka iyo akhriska addunka.

Soomaaliya ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha kasoo kawanaayo colaad iyo abaara fara ba’an ku haayay in muddo ah, waxaana la qayaasaa in caruurta ku nool Soomaaliya aysan qaar kood helin waxbarashada aas aasiga ah.

Waxaa aad u yar macadyada ama  Iskoolada sida Bilaashka ah wax looga barta waxaana badan manaahijta gaarka loo leeyahay in kastoo xukuumada Federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo dib loogu soo celinaayo habkii waxbarashada iyadoo sheegtay in ay lasoo wareegtay Iskoola ay iyadu maamulayso oo si bilaash ah ardayda Soomaaliyeed ay ugu faa’iidaysan karaan.

War lagu daabacay barta twitter-ka ee hay’adda Qaramada Midoobe ee Soomaaliya UNSOM ayaa lagu sheegay in heerka waxbarashada Soomaaliya uu gaarsiisan yahay 37.8%.

Ha’adda ayaa sidoo kale sheegtay in caruurta Soomaaliyeed ee aado Iskoolada ay yihiin 30% taas oo muujinayso heerka hoos u dhaca waxbarashada Soomaaliya.

Hay’adda Qaramada Midoobe ee Soomaaliya UNSOM oo qoraalkeed Sii wadato ayaa sheegtay in 40% kamid ah ardaydaasi aaddo Iskoolada ay gabdho yihiin waxaa ayna sheegtay in hay’addo ay ka go’antahay wax kaqabashada hoos u dhaca waxbarashada Soomaaliya.

Dhawaan ayay aheyd markii uu wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ah ee Soomaliya Cabdullahi Godax Barre oo ka hadlay heerka tayada macalimiinta dhigto Iskoolada ku eedeeyay in macalimiinta Soomaaliya haysato taya yare dhanka Tababarada ah.

Cabdullahi Godax Barre ayaa sheegay in ay gobolada oo dhan ay macalimiinta joogta imtixaan ka qaadeen, kadib markii ay saxeen imtixaankaasi ay u soo baxday in 22% macalimiinta dhiga dugsiyada hoose iyo dhexa ay macalinimo u qalmaan halka kuwa dugsiyada sare dhiga ay macalinima u qalmaan 30%.

Wasiir Cabduulahi Godax Barre ayaa ugu danbeyntii waxaa uu arrinkaan ku sababeeyay in ay ka danbayso colaadihii dabba dheeraaday ee ka dhacay dalka isagoo amaan iyo boogaadin u soo jeediyay hay’addihii iyo shaqsiyaad kii ka qayb qaatay horumarinta waxbarashada dalka iyo in waxbarashada Soomaaliya ay maanta halkaan Soo gaarto.

Munaasabaddaan loogu dabaal dagaayo maalinta wax qorista iyo akhriska addunka ayaa waxaa sanadkaan hal ku dhig looga yeelan “akhriska iyo ku hadalka luuqada badan”.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close