Wararka

Wasiirru dowlada wasaaradda waxbarashada dalka oo furay Tababar ku saabsan Keeydinta xogta su,aalaha imtixaanka.

Wasiirru dowlada wasaaradda waxbarashada xukuumada federaalka Soomaaliya Abdirahman Mohamud Abdulle Jaabir ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Tababar ku saabsan Keeydinta xogta su,aalaha imtixaanka.

Wasiirru dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay in keeydinta  xogta su,aalaha imtixaanka ay waxbadan oo faa’ido ah u leedahay ardayda dhigata dugsiyada sare sidoo kalena uu ahmiyad  gooni ah u leeyahay horumarinta tacliinta dalka.

Tababarkaan ayaa socon doona muddo sadax maalmood ah waxaana ka qeyb-galaya 30 macallin.

“Waxaan maanta ka furay magaalada muqdisho Tababar ku saabsan Keeydinta xogta su,aalaha imtixaanka taas oo ah miyad gooni ah u leh horumarinta tacliinta dalkeena. Tababarku waxa uu socon doonaa mudo sadax maalmood ah waxaana ka qeyb-galaya 30 macallin” ayuu yiri Wasiirru dowlada wasaaradda waxbarashada.

Image may contain: 3 people, indoorImage may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 3 people, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close