Wararka
Al-shabaab oo weerar ku qaaday Deegaanada Ceel Saliini Iyo Bariire iyo Ciidamada xogga oo Iska cabin ku sameeyay.

Taliska ciidanka Xoogga ee kusugan Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa war kasoo saaray Laba Weerar oo Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhiggyada ciidamada Dowladda ee Deegaanada Ceel Saliini Iyo Bariire oo kawada tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose.
Al-shabaab ayaa weerarka ku qaaday Saldhigyo Ciidanka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin deegaanada Ceel-saliini iyo Bariire ee Shabeellaha Hoose, waxaana halkaas ka dhacay dagaal muddo socday.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Gen Cabdixamiil Maxamed Dirir oo ka hadlay Dagaalka ayaa waxaa uu sheegay inay iska difaaceen weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab.
Taliye Cabdixamiid ayaa waxaa uu tilmaamay in xubno ka tirsan ragii weerarka soo qaaday ee katirsanaa Al-shabaab la dilay, isla markaana uu jiro dhaawacyo soo gaaray kuwo kale.
Dhanka Al-shabaab ilaa haatan ma jirto wax war ah oo ay kasoo saareen dagaalka ka dhacay Gobolka Sh.hoose, mana jirto ilo ka madax Banaan labada dhinac oo xaqiijin karta khasaaraha Dhabta ah ee kadhashay dagaalka.