Wararka

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga XFS oo kulan laqaadatay Safiirka Qadar u jooga Soomaaliya Amb. Xamsa Xasan Asad.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta kulan la qaadatay Safiirka Qadar u jooga Soomaaliya Amb. Xamsa Xasan Asad.

Waxaa Kulankan looga hadlay sidii loo horumarin lahaa Isboortiga iyo dhalinta Soomaaliya, waxaana Wasiiradda ka hadashay sida ugu habboon ee loo horumarin karo dhalinyarada.

“Waxaan saakay la kulmay Danjiraha dowladda Qadar u jooga Soomaaliya Amb. Xamza, waxaa ka wada hadalnay sidii loo horumarin lahaa dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliyeed”ayay tiri Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa tilmaamtay in Wasaaradeeda ay wado dadaalo iyo qorshayaal lagu hormarinayo Isboortiga Soomaaliyeed, dhowaan la qaban doono tartamo isboorti oo ka turjumaya is dhex galka iyo nabadda.

Danjiraha dowladda Qadar u qaabilsan Soomaaliya Amb. Xamza Xasan ayaa ku dhiiragaliyay Wasiiradda howlaha ay qabatay, gaar ahaan Tartankii Orodka gaaban ee Jimcihii ka dhacay Muqdisho, waxaana uu balan-qaaday in si dhow Wasaaradda ula shaqeyn doonaan, kana qeyb qaadan doonaan horumarinta Isboortiga iyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close