Wararka

Sheikh Mohamed Shakir oo sheegay in la soo qabtay qaar kamida dadkii dilalka u gaystay muwaadiniin aan waxba galabsan.

Madaxa Xukumadda Galmudug Shiekh Mohamed Shakir Ali Hassan oo xalay  Saxafada Kula hadlay Xafiiskiisa Magalada Dhuusamareb ayaa ka hadlay falal ka kala dhacay Deegaanada Galmudug kuwaas oo ay waxyeelo kasoo gaartay Dad Shacab ah oo Deegaan ahaan kasoo jeeda Mamulka koofur Galbeed.

Shiekh mohemad Shakir  ayaa Tacsi udiray eheladii dadkii lagu dilay Magalooyinka Gaalkacyo iyo Bariga Magalada Dhuusamareb.

Madaxa Xukumadda Galmudug ayaa Sheegay in Laamaha amaanka Galmudug ay gacanta kusoo dhigeen Dadkii ka danbeeyay Afartii qof ee lagu dilay Duleedka Magalada Dhuusamareb Sidoo kale Wuxuu sheegay in lagu raad joogo isla Dadkii kadanbeeyay Falkii Gaalkacyo.

Sheikh Mohamed Shakir waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ee ka xanuunsaday falalkii ka dhacay Maamulka galmudug u sheeagay in ay sharciga horkeeni doonaan dadkii ka danbeeyay dilalka loo agystay muwaadiniin kasoo jeeda deeganada Koonfur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in hal dhinac looga soo jeesta dadka ficilada noocaas ah gaysta oo ay matali Karin dadka Soomaaliyed waxaa uuna ku tilmaamay in ay dadkaasi yihiin kuwa aan naxariis laheen.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close