Wararka

(Akhriso)-Eretrea oo ciidamadeeda kala baxayso gobolka Tigrey.

Ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abi Axmed oo booqasha laba maalin ah ku jooga dalka Eritrea ayaa isaga iyo dhigiisa Isis Afwery waxay isla garteen in dib looga soo saaro goobihii ay qabsadeen ciidamadii Eretrea ee gobolka Tigrey.

Dr Abi ayaa sheegay in sababta ay ciidamada Eretrea u soo galeen gudaha Itoobiya ay aheed ka gadaal markii ay jamhaddii TPLF Madaafic iyo Hoobiyaal ku garaaceen Magaalada Asmara iyo magaalooyin kale.

Abi ayaa sheegay in ay labada dowladood iskala shaqayn doonaan nabad kuwada noolaashaha labada shacab iyo wax wada qaybsi.

Safarkaan caalamiga ee uu Abi ku booqday Asmara ayaa ku soo aaday xili maalmo ka hor ay Baarlamaanka dalkaas sualo ka waydiiyeen Xad gudubyo la sheegay in ciidamada Eretrea ka geeysteen gobolka Tigrey.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close