Wararka

Wasiiru Dawladdaha Wasaaradda Waxbarashada oo la kulmay Madax iyo Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Turkiga.

Wasiiru Dawladdaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee DF Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Turkiga u jooga Booqasho Shaqo ayaa kulan layeeshay Madax iyo Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Turkiga.

Kulankaas waxaa goob-joog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Jaamac Cabdullaahi Caydiid iyo u Qeybsamaha Safaaradda Soomaaliya Arimaha Tacliinta , Hiddaha iyo Dhaqanka Cabdicasiis Cabdiraxmaan.

Wafdiga ayaa Kulamo kala duwan la qaatay Wasiirka Waxbarashada ee dalka Turkiga, Madaxda Hay’adda Tacliinta Sare ee Turkiga oo magaceeda loo soo Gaabiyo (YOK) iyo Masuuliyiinta Hey’adda Arimaha Diinta u qaabilsan Dawladda Turkiga.

Wasiiru Dawladdaha Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegay in ay  guulo laga gaaray Kulamada uu la yeeshay masuuliyiinta kala duwan, wuxuuna uga Warbixiyey Wasiirka Waxbarashada ee Turkiga Xaalada Waxbarasho ee Soomaaliya iyo Siyaasaadda iyo Qorsheyaasha Wasaarradda Waxbarashada , Dhaqan gelinta Heshiisyadii hore loo galay iyo Sidii Ardayda Soomaaliyeed looga Faa’iidayn lahaa Deeqaha Waxbarasho ee Turkiga.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle ayaa sidoo kale Kulanka gaar ah oo uu  la yeeshay Hey’ada Tacliinta Sare ee Turkiga ayaa sidoo kale waxaa kasoo baxay go’aano miro-dhal ah, iyadoona Xal looga gaaray Culaysyo soo Wajahay Arday Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Turkiga.

“Runtii Kulankeena wuxuu ahaa mid xooga saarayay Ardayda Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Hey’adda Tacliinta Sare waxaanu ka wada hadalnay Sidii loo wada shaqayn lahaa Arrimaha Tacliinta Sare, Maadama ay dalkeena ka jiraan Jaamacaddo badan, Waxaana isla garanay in Ardayda hadda ku sugan Turkiga ee Waxbarashadu ka istaagtay, oo gaaraya ilaa 50-Arday in loo Ogolaado inay sii dhigtaan Jaamacaddaha Turkiga inta la soo cadeynayo Jaamacaddaha ay ka soo baxeen, waxaana Arintan loo yeelay Soomaalida oo keliya” ayuu yiri Wasiiru Dawladdaha Wasaaradda Waxbarashada DF Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle.

Wafdiga DFS aya ugu dambayntii kulan la yeeshay Hey’adda Arimaha Diinta u Qaabilsan dalka Turkiga, Waxayna si gaar ah uga wada hadleen qeybta ka khusaysa Wasaaradda Waxbarashada oo ku aadan Dugsiyadda Ardayda lagu Barro Culuumta Diinta.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close