Wararka

Kalfadadhiga 5-aad ee golaha aqalka sare oo manta furmay.

Munaasabad lagu furay kalfadhiga 5-aad ee golaha aqalka sare ayaa ka soconeysa xarunta golaha aqalka sare waxaana ka qeybgalaya masuuliyiin ka tirsan dowlada Faderaalka Soomaaliya.

Madasha waxaa ku sugan gudoomiyaha golaha aqalka sare cabdi xaashi cabdilaahi,ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,  Xildhibaano, wasiiro iyo masuuliyiin kale.

Ilaa hadda ma uusan soo gaarin madaxweynaha Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo la filayo in uu furayo kalfadhiga 5-aad ee golaha aqalka sare.

Labada aqal ee baarlamaanka dalka ayaa si kala gooni ah u furtay kalfadhigooda 5-aad iyadoo ay weli ay xusid mudan tahay in uu jiro khilaafka u dhexeeya labada aqal ee baarlamaanka dalka.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close