Wararka

seddex rux oo loo xukumay dilkii Marxuum Axmed Mukhtaar Saalax (Dowlo).

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga kiiskii Dilka ahaa ee loo gaystay Marxuum Axmed Mukhtaar Saalax (Dowlo) falkaas oo isugu jiray Dilka iyo gubid.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu riday seddex eedeysanayaal oo loo heystay dilka Marxuum Axmed Dowlo.

Seddexda eedeysane ayaa lagu kala magacaba Xuseen Iidow Maxamed, Asli Cabdulle iyo Aweys Iidow Maxamed kuwaaas oo dil ugu geystay degmada Yaaqshiid marxuum Axmed Dowlo 20/09/2018.

Maxkamadda waxaa kala oo ay sii deysay afar qof oo iyana ku eedeysnaa falka dilkaas, waxaana lagu waayay wax dami ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macalin ayaa sheegay in xukunkan uu racfaan ka furan yahay.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close