Wararka

Shirka Midowga Musharaxinta Madaxtinimada oo meel xasaasi maraayo.

Masuuliyiin ka tirsan madaxda ugu sareysa ee dowladda oo ku biiray shirka wadatashiga ee siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda Farmaajo.

Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia mudane maxamed Mursal iyo Kuxigeenkiisa koowaad Abdiwali Muudeey ayaa galinkii danbe ee maanta gaaray Hotel jaziira oo ay ku shirsanaayeen musharaxiinta xilka madaxweynaha Somalia oo dhaliilsan qaabka dowladda ay usoo magacawday xubnaha gudiga doorashooyinka iyo kan xalinta qilaafaadka.

Masuuliyiintaan katirsan dowladda ee xisbiyada mucaaradka taageeray ayaa la hadal hayay waayihii ugu danbeeyay in siyaasad ahaan is fahamwaa uusoo kala dhaxgalay madaxweynaha somalia ku biiristooda shirkaan wadatashiga ah ayaana ka dhigaya xaqiiq hadal heyntaasi.

Inkastoo war rasmi ah aysan wali siin saxaafadda ayaa hadana musharaxiintu si weyn usoo dhaweeyeen kusoo biiristooda, siyaasadda somaliya ayaa meel xasaasi ah mareysa imika waxaana ay cirka isku shareertay markii dhamaan musharaxiintii dhaliilsanaa qaabka dowladda iyo maamul goboleedyada ay u maareynayaan doorashada ay muqdisho isugu yimaadeen shir wadatashi ahna ay furteen.

Waxii warar ee soo kordha la soco Tusmo TV.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close