Wararka

Ciidanka Xoogga Dalka oo ku guuleystay inay isku keenaan waxgaradka Degaannada Towfiiq iyo Afbarwaaqo.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku guuleystay inay isku keenaan waxgaradka Degaannada Towfiiq iyo Afbarwaaqo oo ka tirsan gobolka Mudug halkaas oo dhawaan ay ku dagaalameen beelo walaalo ah.

Taliyaha ciidanka lugta ayaa la kulmay Odayaasha Towfiiq oo iyagu aqbalay in colaadda wada hadal lagu xaliyo saacado kadib ayaa Teliyaha iyo wafdigiisii waxa ay la kulmeen Odayaasha Deegaanka Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug.

Kulamo ka kala dhacay Afbarwaaqo iyo Toowfiiq ayaa laysugu keenay waxgaradka degaanadaasi iyadoo talisku uu ku qanciyay dhinacyada in dagaalku uusan xal ahayn loona baahan yahay in wada hadal lagu xaliyo tabashooyinka jira.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa ay wafdigaan wadeen dedaalo xoogan oo ay doonayeen in ay ku soo Af-jaraan Colaada ka taagan Deegaanada Afbarwaaqo iyo Toowfiiq ee Gobolka Mudug halkaasi oo ay ka dhaceen dagaalo ay ku dhinteen Dad badan halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.Image may contain: 4 people, outdoorImage may contain: 4 people, people smiling, people standing, tree, plant and outdoorImage may contain: 1 person, standing and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close