Wararka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo xaflad duco ah u qabatay Marxuum Axmed Xaaji Ducaale Cabdullaahi (Axmed Keyse).

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa maanta xaflad duco ah u qabatay Marxuum Danjire Axmed Xaaji Ducaale Cabdullaahi (Axmed Keyse) oo noqday Wasiirkii ugu horreeyay ee beeraha ee Soomaaliya iyo Safiir hore oo aroornimadii hore maalintii Arbacada, 8 January, 2020 ku geeriyooday Magaalada Tucson ee Gobolka Arizona ee dalka Mareykanka isagoo da’diisu ahayd 92 sano-jir.

Kulanka ducada ee Marxuumka oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirro , Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, Safiirro, Diblomaasiyiin, Agaasimeyeyaasha Waaxyaha iyo saraakiisha kala duwan ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa hadal uu ka jeediyay kulanka Danjire Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan “Dhabancad” waxa uu kaga sheekeeyay taariikhda Marxuum Axmed-kayse oo uu sheegay in ay ka wada-shaqeeyeen Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada London ee caasimadda Boqortooyada Midowday (UK) intii u dhexeysay 1970-1975, waxa uu ku tilmaamay wadani ay ku adkayd inuu ka gorgortamo wadajirka iyo midnimada ummaddiisa Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale caddeeyay inuu ahaa nabaddoon xaliyay khilaafaad beeleedyo ka jiray degmada Laascaanood iyo deegaannada ku xeeran intii ay gobollada waqooyi ku jireen gacanta gumaystihii Ingiriiska.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kulanka ducada hadal ka jeediyay ayaa boggaadiyay habka qaban-qaabo ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay xus iyo duco ugu samayso halyeeyyada qaran si gaar ah dadka ka shaqeeyay howlaha ku qotoma siyaasadda dibadda ee dalka, waxa uu sheegay in Danjire Axmed-kayse Xaaji Ducaale Cabdullahi uu ahaa halgame xoriyadda gobollada waqooyi ku suntan, isagoo sidoo kale ahaa halgame midnimada ummadda Soomaaliyeed , waxa uu farta ku goday inuu u saldhiggay isaga iyo kooxdiisaba dowladnimada Soomaaliya, maadaama uu heerkiisa aqooneed uu sarreeyay, isagoo ka mid ahaa aabayaasha xoriyadda iyo gobonnimada Soomaaliya, waxa uu olole u galay xuquuqda beerlayda Soomaaliyeed intii uu ahaa Wasiirka Beeraha, isagoo safiir ka soo kala noqday Wadamada Germany, Masar, Yemen iyo UK.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad oo kulanka ducada ee Marxuum Axmed-keyse soo afjaray ayaa sheegay in Wasaaraddu dhaqan u leedahay in kulanno duco ah u qabato dadka u adeeggay dalka ee hore uga howlgalay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Safaaradaheeda, isagoo xusay in dib u muujinta waxqabadkii dadkaas ay dalka iyo dadka uga tageen uu yahay dhaxal taariikheed caddayn u noqonaya in jiilba uu jiil kale uga daydo dhanka horumarka iyo dal-jaceylka, si loo gaaro hiigsiga qaran, isagoo Allah uga baryay Marxuum Axmed Xaaji Ducaale Cabdullaahi (Axmed Keyse) in naxariistiisa uu hugiyo, janaddiisa Fardowsana uu hooy uga dhigo.Image may contain: 1 person, textImage may contain: 1 personImage may contain: 7 people, people sitting and suitImage may contain: 14 people, people sitting and indoorImage may contain: 4 people, people smiling, people standingImage may contain: 3 people, suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close