Wararka

Qaar kamida shacabka ku dhaqan Baledweyne oo ka hor yimid wareegtadii madaxweyne Waare.

Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta lagu qabtay banaanbax lagu taageeraayo Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) kaas oo uu xilka ka qaaday madaxweynaha Hirshabelle Mohamed abdi Waare.

Qaar kamida shacabka ku dhaqan magaalada Baledweyne ayaa dhagaxyo soo dhigay wadooyinka magaalada iyagoo hakaad galiyay isku socodka gaadiidka magaalada iyagoo muujinaayay taageerada ay u hayaan guddoomiyihii gobolka Hiiran Yuusuf Dabageed.

Yuusuf Dabageed ayaa shalay shir jaraa’id oo uu magaalada Baledweyne ku qabtay kaga soo horjeystay digreetada kasoo baxday madaxweynaha Hirshabelle isagoo tilmaamay in ay sharci darro tahay wadada loo maray xil ka qaadistiisa oo uu dastuurka dowlad Goboleedka Hirshabelle qabin.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close