Wararka

Wasiirka wasaaradda caddaalada iyo garsoorka  Soomaaliya safar shaqo ku tagay Baydhabo.

Wafdi ballaaran oo uu horkacaayo Wasiirka wasaaradda caddaaladda xukuumada federalka ah ee Soomaaliya Xassan Xuseen Xaaji ayaa maanta gaaray magaalda Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa garoonka Shati-gaduud ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay masuuliyiin uu hor kacaayay wasiirka wasaaradda caddaalada iyo Garsoorka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu horeyn wasiirka wasaaradda caddaalada iyo Garsoorka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mohamed Hussen Xassan oo soo dhaweynta wasiirka ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay imaatinka wasiirka isago u rajeejay wafdiga uu hoggaaminaayo wasiir Xassan Xuseen Xaaji in ay ku nasan doonaan Magaalada Baydhabo.

Wasiirka wasaaradda Caddaalada xukuumada federaalka Soomaaliya Xassan Xuseen Xaaji oo dhankiisa ka hadlay soo dhaweynta ayaa sheegay in ay Baydhabo u tageen sidii ay ugu kuur gali lahayeen mashaariic laga fulinaayo dowlad goboleedka Koonfur galbeed.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close