Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Shiinaha xoojinta xiriirka iyo iskaashiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Qin Jian, isagoo kala hadlay xiriirka labo geesoodka iyo siyaabaha lagu xoojin karo iskaashi dhinac weliba leh oo u adeegaya dano wadaagga labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah.

Intii kulanka lagu guda-jiray waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibadda carabka ku adkeeyay xiriirka dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo carabaabay himilada Muqdisho ee ah in ay ka shaqayso sidii hore loogu sii hore loogu dhaqaajin lahaa geedi socodka qotodheereynaya wax wadaagga istiraatiijiyadeed ee kala dhexeeya Bakiin.

Dowlada Shiinaha ayaa xerir wanagsan la leh Soomaali waxaa ayna ka caawisaa dhinacyada dhaqaalaha iyo deeqaha waxbarasha.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close