Wararka

Xildhibaanada cusub ee Jubbaland oo la dhaariyay.

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka dowlada goboleedka Jubbaland ayaa maanta lagu dhaariyay kaddib munaasabad ka dhacday Hoolka weyn ee Dawad ee magaalada Kismayo waxaana munaasabadaan goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, Guddiga doorashada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

73-xildhibaan oo xalay lagu dhawaaqay ayaa maanta dhamaantoot lagu dhaariyay Hoowlka iyagoo koox koox loo dhaariyay waxaana kuwaas hareer socday xildhibaanno kala oo ay saaka ku dhawaaqeen Musharaxiinta isku magacaawday isbadal doon kuwaas oo gaaraayay 75-xildhibaan.

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa 8 ka mid ah waxay yihiin Haween, taasoo ka dhigeysa tiradii ugu badneyd ee Haween oo ka soo muuqda Baarlamaanka Jubbaland.

Guddiga doorashada Jubbaland ayaa sheegay inay soo dhameystirayaan labada xubnood ee ka dhiman Baarlamaanka, kaddib markii uu dhacay qalad farsamo, lana soo dhameystirayo Baarlamaanka Jubbaland oo tiradiisu tahay 75 Xildhibaan.’

Baarlamaanka ayaa isla maanta kullankii ugu horeeyay yeeshay waxaa ayna ku soo doorteen guddoomiyaha Baarlamaanka oo ah mid ku meel gaar ah inta laga soo dhisaayo guddiga Xildhibaanada baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland waxaana ayna guddoomiyaha kumeel gaarka ah u doorteen ninka ugu da’da weyn oo lagu magacaabo Sheekh Cabdi Yuusuf Cali.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close