Ciyaaraha

xidig Real Madrid ka tirsan oo iska diiday inoo qeebka noqdo qorshaha neymar.

Xidiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Luka modric ayaa iska diiday in uu ka qayb noqdo heshiiska ay Real Madrid ku doonayso xidiga garabka uga ciyaara kooxda PSG ee neymar inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay PSG ka gudbisay dalab isugu jira lacag iyo waliba xidiga reer Croatia ee luka Modric si ay u hesho saxiixa Neymar xagaagan.

Neymar ayaa si aad ah u doonaya in uu isaga tago kooxda PSG xagaagan isaga oo wax walba u samayn doona sidii uu uga tagi lahaa kooxda reer France inta uuna xidhmin suuqa xagaagan 27-jirka reer Brazil ayaa kooxdiisa PSG u sheegay in uu doonayo in uu ku laabto horyaalka la liga isaga oo doonaya in uu ku laabto kooxdiisii hore ee Barcelona.

Laakiin Barcelona ayaa ilaa haatan ku dhibaatoonaysa in ay PSG kala heshiiso saxiixa xidiga sabab la xidhiidha xariirka xun  ee ay leeyahiin labada kooxood. Real Madrid ayaa tartanka ku soo biirtay iyaga oo PSG miiska u saartay lacag iyo waliba Modric si ay u helaan saxiixa xidiga uguna garaacaan kooxda Barcelona laakiin wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu Luka modric iska diiday in uu ka qayb noqdo heshiiska Neymar sababta oo ah in uu doonayo in uu sii joogo Real Madrid oo uuna ka tagin kooxda xagaagan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close