CiyaarahaWararka

Xidig kale oo dhaawac ka soo gaaray Barcelona

Xulka qaranka France ayaa warbixin ka soo saaray xaalada dhaawac ee daafaca Samuel Umtiti kaas oo ku soo laabtay kooxda Barcelona kadib markii laga saaray liiska xulka France ee ka qayb qaadanaya kulamada Euro 2020-ka.

xiriirka France ayaa xaqiijiyay in uu daafaca dhexe ka cabanaya dhaawac ka soo gaadhay lugta midig waxana ay warbixin ka soo saareen ay ku muujiyeen xaaladiisa “ kadib markii aan la tashanay dhakhaatiirta xulka iyo xidiga waxa uu tababaraha xulka France go,aansaday in uu iska fasaxo xidiga kuna laabto kooxda Barcelona “

Xiriirka ayaa xaqiijiyay ina uu saakay umtiti ka tagay tababarka france isaga oo ku laabtay kooxda Barcelona si loogu sameeyo baadhitaan loona ogaado dhaawaca xidiga.

Dhaawaca soo gaadhay xidiga ayaa ah mid u xun kooxda iyo xidiga laftiisa marka loo eego in uu daafacu la daalaa dhacayay dhaawa bilihii ugu dambeeyay  taas oo shaki galineeyso booskiisa joogtada ah ee kooxda reer Spain ee Barcelona.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close