Wararka

Wasiirka wasaaradda Garsoorka Koonfur Galbeed oo ka warbixiyay socdaal shaqo oo uu u jooday Mogdisho.

Wafdi uu hogaaminaayo wasiirka wasaaradda Garsoorka Iyo Cadaaladda Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xuseen Xasan oo howlo shaqo ugu maqanaa Magalada Muqdisho , Ayaa Maanta Dib ugu laabtey Magaalada Baydhabo Ee Xaruunta Gobolka Baay.

Wasiirka ayaa markii uu gaaray  Garoonka Diyaaradaha ee Shaati Gaduud waxaa soo dhaweyay,Wasiiro iyo Xildhibaano Ka Tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka oo soo dhaweynta kadib warbaahinta kula hadlay qeybta Nasashada Ee Garoonka ayaa Faafahin ka bixiyay Shirarkii kala duwana ee uu ugu qeyb galey Muqdisho,kuwaasi oo looga hadlayay Arrimaha garsoorka dalka , isagoona intaasi ku darey In Degmada Xudur Ee Xaruunta Gobolka Bookol, sid deg deg laga hirgalin doono Maxkamad.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in uu kulamo gaar ah la qaatay Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad waxaa uuna sheegay in uu kala hadlay sidii loo tayeen lahaa ciidamada Asluubta dowlad goboleedka Koondur Galbeed Soomaaliya.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close