Wararka

Wasiirada wasaaradaha warfaafinta iyo gaadiidka oo dib ugu laabtay Baydhabo.

Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya dib ugu laabtay wasiirada Wasaarada Gaadidka Cirka iyo dhulka KGS Xasan Xuseen Mohamed (Xasan Eelay) IYO iyo Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyi gelinta Bulshada KGS Ugaas Xasan Cabdi Mohamed.

Wasiiradaan ayaa kasoo kicitamay magaalada Mugdisho ee caasimada dalka waxaana garoonka diyuuradaha ee Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay qaar kamid ah wasiirada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Wasiirada oo si wadajir ugu hadlay safarkooda ayaa waxaa ay cambaareeyeen dilkii shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo kaas oo lagu dilay shan ruux waxaa ayna baaq u direen shacabka reer koonfur galbeed iyagoo ugu baaqay in ay nabada kashaqeeyaan ayna ka warsugaan baaritaanada ay dowlada Koonfur wado.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close