Wararka

Wasiir Maareeye oo maanta Muqdisho ka furay shir wada-tashi ah oo ay yeelaniyaan wasaaradaha dowlad goboleedyada iyo dhowlada dhexe.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir wada-tashi ah oo muddo sadex cisho ah socon doona.

Shirkaan wada-tashiga ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirrada Warfafinta ee dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Puntland, iyo wakiillo ka socda gobolka Banaadir iyo warbaahinta gaarka loo leeyahy, waxaa looga hadlayaa sidii labada dhinac  iyagoo mideysan loo dhaqan galin lahaa istiraatiijiyadda wacyigelineed ee qaranka oo la ansixiyay sannadkii hore.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shirka furay ayaa u mahad celiyay wasiirrada iyo wafdiga ka yimid dowlad-goboleedyada iyo warbaahinta gaarka ah. Waxa uu sheegay in ay waajib tahay in talada iyo kheyraadka la wadaago si loogu shaqeeyo bulshada Soomaaliyeed, sidaa darteedna ay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisku ay dowlad-goboleedyada la yeelanayso is-kaashi joogto ah si adeeg wanaagsan loo gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirrada Warfaafinta dowlad-goboleedyada oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in si mideysan loo wajaho arrimaha xiriirka la leh wacyigelinta bulshada, iyagoo ku celiyay in istiraatiijiyadda qaran ee wacyigelintu ay aasaas u ahaan doonto arrintaas.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close