Wararka

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud oo lagu wareejiyay Nuqulo ka mid ah Habraacyada ay ku shaqayn lahayd Hey’adda Jidadka Soomaaliyeed.

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka lagu qabtay kulan ay wada yeesheen Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta, Jamaal Xasan Ismaciil , Madaxa Haayadda GIZ, Xubno kasocda Midowga Yurub (EU), Xafiiska Madaxwaynaha, Agaasimaha Guud & Qaar kamid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda.

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay Nuqulo ka mid ah Habraacyada ay ku shaqayn lahayd Hey’adda Jidadka Soomaaliyeed (Somali National Highway Authority).

Christoph Schmidt oo kasocda Haayadda GIZ  iyo  Abdiwali Mohamed oo kasocda Haayadda Jidadka Soomaaliyeed SNHA koo munaasabada hadal ka jeediyay ayaa Waxa ay soobandhigeen Wax qabadka haayadda Waddooyinka Soomaaliyeed intii ay jirtay.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta, Jamaal Xasan Ismaciil oo sooxiray shirka ayaa u mahadceliyey kasooqayb galayaasha Shirka iyo Shaqadii adkayd ee lasooqabtay

“Runtii aad baan ugu faraxsanahay in GIZ, EU & Wasaaraduba oo Hawshan (Somali National Highway Authority) aan iskala shaqaynay, Sidaa darteed Shirkeenii maanta kalawareejinta ahaa qalabkii inoo dhinaa iyadoo hawshu ay wali inoosii socondoonto aynan intaa uga hadhaynin, Anaguna wixii kale ee kadhiman ayaan dhamaystiri doonaa” . Ayuu yiri wasiir kuxigeenka.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close