Wararka

Wasiir ku xigeynka Waxbarashada Soomaaliya oo kulan la qaatay waalidiinta ardayda dhigta iskuulka Koonfur Galbeed ee dhawaan dowlada lawareegtay..

Wasiir ku xigeynka wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumada federaalka Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed ayaa maanta kullan la qaatay Walidiinta ardayda dhigta iskuulka Koonfur Galbeed ee dhawaan dowlada lawareegtay.

Kullanka ayaa waxaa Goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Gobalka Baay Cali wardheere cabdi raxmaan,wasiirka waxbarashada Koonfur Galbeed Cabdi raxmaan Cismaan maqaal Kool kooliyoow. Odoyaal iyo wax garad kale .

Kullanka ayaa intii uu socday looga hadlay Horumarinta waxbarashada ardayda xaafada wada jir ee dagmada Baydhabo islamarkana dhigta iskuulka koonfur galbeed.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare Soomaaliya ayaa waalidiinta kula dar daarmay in ay ka shaqeyaan sidii ardayda Soomaaliyeed Gaar ahaan ardayda Magaalada Baydhabo tayadooda waxbarasho ay kor ugu qadi lahayeen ,sidookale wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada ayaa walidiinta u sheegay in ardayda ay iskuulka Koonfur Galbeed ay ku dhiganayaan lacag,laan.

Wasiirka waxbarashada Koonfur Galbeed ayaa Soo dhaweyay Howlaha horumarinta ee wasaaradda waxbarashada ay ka wado magaalada Baydhabo.

Gudoomiya Gobalka Baay Cali wardheere Cabdi raxmaan ayaa ka hadlay muhiimada ay leedaha waxbarashada ardayda Soomaaliyeed Gaar ahaan ardayda deegaanada Koonfur Galbeed waxa uu soo jeedyay in laga wada shaqeyo waxbarashada ardayda Soomaaliyeed.

Sidookale waalidiinta ardayda dhigato iskuulka Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweyay in markii ugu horeysay ardayda magalada Baydhabo Kuwooda dan yarta ah ay helaan waxbarasho lacag,aan ah.

 

Image may contain: 2 people, people smiling, people sitting and sunglassesImage may contain: 4 people, people smiling, people sittingImage may contain: 6 people, people sittingImage may contain: one or more people and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close