Ciyaaraha

waakuma xidiga jabiyay rigoorkii golhaye Iker casillas?

Kabtanka xulka qaranka Spain ee Sergio Ramos ayaa rigoor taariikhi ah u dhigay xulka qaranka Spain kadib markii uu ku bilowday shaxda xulka Spain ee kulanka faroe ISlands kulan ka tirsan is reeb-reebka Euro 2020-ka.

a Daafaca kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa saftay kulankii 167 ee xulka qaranka Spain isaga oo bar-bareeyay kabtankii hore ee xulka qaranka Spain ee Iker Casillas. rigookan ayay xidigo badan oo xulka qaranka Spain ah kula dabaal dageen kabtankooda ka hor kulanka caawa kadib markii uu xulka guul ku hogaamiyay todobaadkii hore.

Xidiga reer Spain ayaa dhaafi kara rigoorkaas  kulamada uu u ciyaari doono xulkiisa ee soo socda hadii ayna dhaawcyo ka hor itaagin ama uuna tababaruhu ka reebin.

Xidigaan ayaa si joogto ah ugu ciyaaray xulka qarankiisa Spain taas oo ka caawisay inoo jabiyo rigoorkii uu dhigay halyeeygii kooxda Real Madrid iyo xulka Spain Iker casillas kaas oo horay u heestay xidiga  guulaha ugu badan lagaaray xulka Spain.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close