Wararka

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland oo dar-daaran siiyay ciidanka  Tayanta Amaanka Caasimadda Garowe.

Gen:Yaasiin Cumar Dheere Taliyaha Ciidanka Daraawiishta dowlad Goboleedka  Puntland ayaa hadalo Muhiim u jeediyay Ciidamada Tayanta Amaanka Caasimadda Puntland waxaa uuna sheegay in lagama maarmaan ay tahay in caasimada Puntland lagu wada jooga amni, sharci iyo kala danbeyn.

Taliyaha ayaa sidoo kale ciidamada Kula dardaarmay in ay si adaab le ula dhaqmaan shacabka oo ay iyagu dooneen in shacabka la handadin loona goodinin balse badalkeeda si xushmad leh loola dhaqmo.

Gen:Yaasiin Cumar Dheere ayaa ciidamada amar ku siiyay in ay soo qabtaan ruuxii ay ku qabtaan isagoo sita Tuutaha ciidamada ama qori ayna soo xiraan kadibna ay taliska ciidanka ku wargaliyaan si talaabo sharciga waa faqsan looga qaado shaqsigaasi.

Ciidamada xasilinta caasimada Garoowe ee dowlad goboleedka Puntland ayaa looga tala galay in ay gacan adag ku qabtaan sugidda amniga Garowe oo uu taliyuhu ku  tilmaamay in bilihii ugu danbeeyay ay caasimada iska noqotay sida Goob dagaal oo ruux kasto hub iskaaga dhex sitay magaalada.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close