Wararka

Shirka qaran ee wasaaraddaha Boostada iyo Isgaarsiinta dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada oo Baydhabo ka furmay.

Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee dowlada Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.

Shirkan oo looga hadli doono qodobo ay ka mid yihiin qiimeynta waxyaabaha ka qabsoomey kulamadii hore ee shirka iyada oo sidoo kale lagu dersi doono caqabadaha jira isla markaana lagu qorsheynayo qodobada mudnaanta iyo muhiimadda gaarka ah u leh dalka gaar ahaan dhinaca Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda.

Wasiirka isgarsiinta iyo taknolajiyadda xukumadda federaalka soomalaiya Eng Cabdi Cashur ayaa madasha hadal ka jediyay waxaa uuna sheegay in Ajandaha shirka uu ku saabsan yahay sidii loo adkeen lahaa wadashaqaynta wasaaradda Boostada ay la leedahay wasaaradaha dowlad Goboledyada iyo sidii la’iskaaga kaashan lahaa sugida Ambiga Interneedka dalka.

Madaxweynaha Koonfur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo daah fura shirka ayaa ka hadlay muhiimadda shirka waxaa uuna wasiiradda Boostada iyo isgaarsiinta dowladah xubnaha ka ah dowlada Dhexe ku booriyay in shirka laga soo saaro wax dalka iyo dadka Soomaaliyeed Faa’iido u leh.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close