Wararka

Shirka Golaha wasiiradda Puntland oo looga hadlay safarkii madaxweyne iyo arrima kale.

Shirka khamiis laha ah ee Golaha Xukuumadda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta ka qabsoomay caasimada Garoowe ee Puntland waxaana shir shir-guddoominayey Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxaana Goob Joog ka ahaa madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa ay Goluhu ugu hadleen Amniga, Safarka Madaxweynaha, qaban qaabada Shirka Maalgashiga, Diyaarinta Siyaasadda Barakacayaasha, Xaaladda Wadooyinka iyo Warbixino kale.

Shirka Golaha wasiiradda ee Puntland ayaa kusoo aadaayo iyadoo ay magaalada Caasimada ah ee Garoowe ay ka soconayso howl-gallo amaanka caasimada wax looga qabanaayo waxaa ayna Puntland si aad ah isugu diyaarinaysaa qabashada Shirka Maalgashiga Puntland oo ay kasoo qayb gali doonaan shirkada waaweyn oo caalamka ah.

HOOS KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA KASOO BAXAY SHIRKA GOLAHA WASIIRADDA:No photo description available.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close