Wararka

Sargaal ka tirsanaa Al-shabaab oo dowlada isku soo dhiibay.

Yaroow Xasan Aaden, oo ka mid ahaa hor-joogayaasha Al-Shabaab ayaa Maanta isu soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee ku sugan Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool.

Nin ka tirsanaa Al-shabaab ayaa maanta isu soo dhiibay ciidanka xooga dalka Soomaaliya ee ku sugan Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool sida lagu qoray wakaalada wararka Soomaaliya ee SONNA.

Ninkaan ayaa magaciisa lagu sheegay Yaroow Xasan Aaden, oo uu Magaciisa Af-garashadu ahaa Seyfu-Laah waxaana la sheegay in uu in muddo ah kamid ahaa Al-shabaab balse uu iskiisa u go’aan saday in uu isku soo dhiiba Ciidanka Xoogga Dalka.

Sida lagu qoray wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA, Yaroow Xasan Aaden ayaa Al-shabaab u xilsaarnaa isku xirka Ciidanka iyo hoggaamiyaashooda waxaana intaasi lagu daray in Seyfu-Laah uu kasoo dagaalayamay gobola badan oo dalka ah.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close