Wararka

Ra’iisal wasaare Khayre oo gaaray Magaalada Marka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellada Hoose waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta gobalka Shabeellada Hoose iyo dadweyne kale.

Xassan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa  kumanaan shacab ah oo isugu soo baxay soo dhaweyntiisa kula hadla Magalada marka waxaa uuna ugu mahadceliyay sida sharafta badan ee dowladnima jaceylku ku dheehanyahay ee ay u soo dhaweeyeen.

Ra’iisal wasaare Khayre  ayaa sheegay in dowladda oo kaashaneysa madaxda dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ay ka shaqeyneyso horumarka iyo daboolidda baahiyaha bulshada ee wax ka qabashada u baahan.

Ugu danbayn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshad Marko ku nool ku ammaanay dhaqan-gelinta dib-u-heshiisiintii dowladdu ka hir gelisay, midnimada, iyo sida ay sugidda amniga uga wada qeyb qaateen, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan dadaallada wadajirka, isku-kalsoonaanta iyo si-jaceylka si ay u wada gaaraan horumar iyo barwaaqo.  

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close