Wararka

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Jubbaland oo Kulan la qaatay Gudiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Jubbaland.

Gudiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa maanta qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ku qaabilay Xarunta gudiga.

Odayaasha Maanta Guddiga la kulmay ayaa guddiga ugu mahadceliyay sida ay u wadaan howsha waxaa ayna sheegeen in ay ku qanceen habka uu guddiga uu u maamulaayo doorashada waxaa ayna tani ku soo aadaysaa xili cabasha badan laga muujiyay qaabka loo xulayo xildhibaanada Cusub ee Jubbaland.

Afhayeenka Salaadiinta Jubbaland iyo qaar ka mid ah odayaasha Dhaqanka ayaa waxaa kale oo ay sheegeen in Guddiga doorashada ay isweeydiiyeen su’aalo dhowr ah oo ku saabsan sida loo soo xulayo Xildhibaannada,isla markaana ay si wanaagsan socdaan.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close