Wararka

Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta dalka oo caasimada Addis Ababa ka furtay kulan ay kasoo qayb galeen masuuliyiinta safaradda Soomaaliya.

Wasiir Ku-Xiggeenka Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta xukuumada federaalka Soomaaliya  Maxamud Cabdiqadir Hilaal ayaa Maanta Magaalada Addis Ababa ee caasimada itoobiya ka furay Shir muhiim ah oo ay Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta soo qaban qaabisay.

Shirkaan oo intiisa badan diiradda la lagu saari doonaa dar-dar galinta ka faa’iidaysiga Kheyraadka, gaar ahaan Shidaal ka sida ugu wanaagsan ee loo maamulo heerar kiisa kala duwan iyo mabaadi’da waawayn ee ay tahay in la ilaaliyo ayaa waxaa ka soo qayb galay Xubno ka socda Guddiyada Kheyraadka ee Golaha Shacabka, Aqal sare ee BJFS, Wasaaraddaha Dowlad Goboleedyada iyo Hay’adaha kala duwan ee bah-wadaagta shaqo la ah Wasaaradda.

Sidoo kale waxaa halka uu shirka ka furmay booqday Safiir ka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ethiopia Amb. Cameey asaga oo bogaadiyay ka soo qayb galayaasha una rajeeyay guul iyo gobonimo.

Shirkaan ayaa socon doona maalmo kooban waxaana masuuliyiinta dowlada Federaalka kuwehlinaayo khuburo ka timid wadanka Norway kuwaas oo garab siin doona kasoo qayb galayaasha kulanka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close