Ciyaaraha

Pep Guardiola oo rigoor dhigay kulankii Liverpool.

Tababaraha kooxda Man City ee pep Guardiola  ayaa isku qoray taariikhda heerka sare ee dalka England kulankii ay kooxdiisa Man City guuldarada dhabarka u saartay Liverpool kulan ka dhacay garoonka wembley tartanka Community Shield tabare. Pep  ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee loo taago kaadhka digniinta  oo ah xeer cusub oo lagu soo kordhiyay horyaalka Premier League xili ciyaareedkan.

Xeerkan ayaa xili ciyaareedkii hore lagu tijaabiyay heerka 3-aad ee England ee league one iyada oo tababarayaasha muranka lagalo  garsoorayaasha loo taagi doona kaadhka Digniinta ah laakiin xiriirka FA-ga ayaa xeerkaas ka dhaqan galinaya heerka sare ee Premier league iyada oo uu Pep Guardiola noqday tababarihii ugu horeeyay ee loo taago kaadhka digniinta ah.

Tababare Pep Guardiola ayaa garsooraha  dhex-dhexaadinayay kulanka kula murmay khalad uu daafaca Joe Gomez kubgalay galay xidiga David Silva taas oo khatar galin gaadhay in uu dhaawac soo gaadho laakiin garsooraha ayaa Guardiola ugu jawaabay kaadh digniin ah isaga oo noqday tababarihii ugu horeeyay ee taariikhda Premier league ama heerka sare ee England loo taago kaadhka digniinta ah.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close