CiyaarahaWararka

Ozil oo ku aroos galay caasimada Istanbul ee dalka Turki-ga.

laacibkii hore ee xulka qaranka Jarmalka ahna laacib hadda ka tirsan naadiga Arsenal ayaa maanta ku aqal galay caasada Istanbul ee dalka Turkiga.

Mascuud Ozil oo 30-sano jir ah kana soo jeeda dalka Turkiga balse haysta dhalashada dalka Jarmalka ayaa waxaa uu maanta atoos ku galay caasimada Turkiga ee Istanbul waxaana xaflada arooska laacibkaan kasoo qayb galay madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo xaskiisa Emine.

Laacibkaan ayaa la aqal galaayo atariishada caanka ah ee layirahdo Amine Gulse oo ka soo jeeda dalka Sweden. Munasabada arooska Ozil ayaa ahaa mid aad loo soo agaasimay iyadoo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin sar sare oo kamida xukuumada madaxweyne Erdogan.

Mascuud Ozil ayaa kamid ahaa laacibiintee u saxnaa kooxda qaranka Jarmalka sanadkii 2014 isagoo laf dhabar u ahaa kooxda qaranka waxaa uuna u sahlay in ay ku guulaystaan balse rajadii Ozil ee u sii ciyaarista qaranka Jarmalka ayaa soo idlaatay kadib markii uu laacibka sawir lagalay madaxweynaha Turkiga oo xiligaas boqosha ku joogay dalka Ingiriiska.

Laacibka ayaa fadeexo iyo eedeyn badan kala kulmay mas’uuliyiinta cayaaraha Jarmalka iyagoo kubeeseeyay in uusan aheen nin ay dhab ka aheed cayaarhihii tartanka kubadda cagta addunka ee 2018 xiligaas oo qaranka Jarmalka wareega afar dhamaadka lagu reebay iyagoo dhanka kalana siyaasadeeyay sawirkii uu lagalay madaxweynaha Turkiga.

Wixii intaa kadanbeeyay laacibka ayaa ku dhawaaqay in uu ka fariisan doona u ciyaarista qaranka Jarmalka iyo waliba gabi ahaanba tartanka kubadda cagta addunka isagoobbartiisa Twitter-ka soo dhigay fariin u qornees sidaan “waxaan Jarmal ahay markaan badino waxaana soo galooti ahay markii nalaga badiyo”.

Ozil ayaa fariintiisa waxa ay soo jiidatay caalamka waxaana raali galin kabixiyay xariirka kubadda ee Jarmal iyagoo sheegay in eriyadooda loo fasirtay si qaldan hasayeeshee mascuud Ozil ayaan u sii ciyaari doonin qaranka Jarmalka.

Sikstaba ha ahaate,arooska Mascuud Ozil ayaa kusoo aadaayo doorashada duqa caasimada Istanbul taas oo bishii maarso looga guulaystay xisbiga uu hoggamiya madaxweynaha Turkiga balse dib loogu celinaayo doorasha kale kadib markii lagu eedeeyay xisbiga mucaaradka in ay sameeyeen wax isdaba marin.

Garab istaagida laacibkaan ee  madaxweynaha ayaa lasheegaa in ay taagero siinayso madaxweyne Erdogan iyadoo ayna isku soo adeyso xiligii uu sawirka lagalay oo aheed xili uu kujiray olole doorashada madaxweyninimo halka maantana lais dhihi karo waxaa ay u tahay ololaha doorashada duqa magaalada Istanbul.

ozil wedding partyErdogan and Ozil

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close