Ciyaaraha

Nadiga Manchester City oo lasoo wareegay weeraryahanka qaranka Kuuryada koonfureed.

Kooxda Manchester City ayaa ku dhawaaqday saxiixa weeraryahanka kasoo jeeda dalka Kuuryada Koonfureed ee Lee Geum-min.

Lee Geum-min oo 25-sano jir ah ayaa kooxda Manchester City u saxiixay heshiis laba sano ah waxaa uuna xiran doonaa nambar-ka 17-aad.

Lee Geum-min oo dareenkiisa cabiray ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu kamid noqda naadiga Manchester City waxaa uuna sheegay in uu dadaal dheeri ah ku bixin doona si uu kooxda wax ugu qabto.

“ aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkaan imaado, Manchester City – magaca ayaaba isoo jiitay aniga waxaana rabaa inaan qibrad badan ka qaato horyaalka Ingiriiska”ayuu yiri Lee Geum-min.

Lee Geum-min oo hadalkiisa sii wato ayaa intaa sii raaciyay “ dadaalkeeda ugu badan ayaan ku bixin doonaa, saameyn wanagsanna waan ku lahaan doonaa. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan naadigaan ku soo biro”

Lee Geum-min ayaa indhaha naadiyada caalamka soo jiitay kadib bandhigiisii kaabka adduunka ee lagu qabtay France halkaas oo uu kusoo bandhigay wacdarooyin cajiib ahaa.

 

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close