Wararka

MAXKAMADA CADDAALADA ADDUUNKA OO SOO SAARTAY JADWALKA DHAGAYSIGA DACWADA BADDA.

Maxkamada caddaaladda adduunka ee ICJ ee xarunteedu tahay magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa maanta shaacisay jadwalka dhagaysiga dacwadda badda Soomaaliya ee ay murakna galisay dowlada  Kenya.

WAREEGA KOOWAAD.

Maxkamada ayaa sheegtay in maalinimada Isniinta ee ku began afarta (4) bisha November  ee sanadka 2019 abaara 10 a.m. barqanimo ilaa 1 p.m duhurnimo la dhagaysan doona khudbadaha Qareenada Soomaaliya difaacayo waxaana dib haddana la’iskuugu soo noqon doonaa 3 p.m. galabnimo ilaa 4.30 p.m galabnimo ayay socon doontaa dhagaysigooda qareenada Soomaaliya waa wareega koowaade.

Kenya ayaa  iyana qareenadeeda waxaa la dhagaysan doonaa maalinimada Arbacada oo ku beegan 4 bisha November 2019 abaara 10 a.m. Barqonimo ilaa -1 p.m. duhurnimo ayay socon doontaa dhagaysiga qareenada dowlada Kenya Matalaayo waxaa ayna dib la’iskuugu soo noqon doonaa abaara 3 p.m. galabnimo ilaa 4.30 p.m galabnimo oo dhagaysiga wareegiisa koowaad lasoo xiri doona.

WAREEGA LABAAD.

Wareega labaad ayaa bilaaban doona 7-da bisha November 2019 waxaana dooda qareenada Soomaaliya la dhagaysan doonaa abaara 3 p.m. galabnimo ilaa 6 p.m galabnimo maalinimada Khamiista halka kuwa Kenya iyaguna la dhagaysan doona 3 p.m. galabnimo ilaa 6 p.m galabnimo maalinimada JImaha.

Sidaasi ayuu kosoo xirmi doonaa wareega labaad ee dhagaysiga Qareenada labada dal u doodaayo waxaana dib looga warsugi doonaa wixii intaasi xiga maxkamada Caddaalada adduunka ee ICJ.

Haddaba lifaaqa hoose riix si aad u aragta jadwalka maxkamada ay soo saartay:MAXKAMADA CADDAALADA ADUNKA.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close