Wararka

MAXAAD KA XASUUSATAA WEEERARKII LAGU QAADAY DAARIHII MATAANAHA AHAA EE DALKA MARAYKANKA?

Maanta oo kale, 18 sano ka hor waxaa dalka maraykanka ka dhacay masiibo ka tagtay taarikh cajiib ah, laba diyaaradood oo ah kuwa rakaabka oo la soo qafaashay ayaa lagu weeraray daarihii dha-dheeraa ee mataanaha ahaa ee dalkaasi Maraykanka.

waxaa ay heyd subaxnimo  Talaado ah tarikhduna ku beegneed 11-kii bishiii September  sanadkii 2001-dii kadib markii ay ururka Al-qaacida weerar loo adeegsaday diyaarada ay saarnaayeen shacab badan oo lasoo afduubtay ku qaadeen daarihii mataanaha ahaa ee ku yaalay caasimada New York ee xaruntii ganacsiga adduunka.

Diyaaraddii ugu horaysay oo laga lahaa dalka maraykanka oo nooceedu ahaa 767 jet oo duulimaadkeedu ahaa American Airlines Flight 11, taas oo daaraha ka soo gashay dhanka  waqooyiye ayaa fulisay weerarkii koowaad waxaa ayna aheyd abaara 8:46am subaxnimo  xiliga dalka Maraykanka.

qaacii ka baxay daaraha matanaha.

Qadar labaatan daqiiqo kadib, weerarkii labaad oo isla diyaarad laga leeyahay dalka Maraykanka oo  duulimaadkeedu ahaa American Airlines Flight 175 ayaa ku dhacday daartii dhanka Koonfureed abaara 9:03am subaxnimo wakhtiga maraykanka.

Laba saac kadib, waxaa dhulka soo taabtay daarihii mataanaha ahaa ee dalkaasi Maraykanka waxaana halkaasi ku dhintay dhamaan 157 ruux oo ahaa rakaabkii diyaaradiihii lasoo afduubtay waxaana dadkaasi dimashada ku wehlinaayay 2,606 ruux kuwaas oo ku jiray gudaha daaraha iyo kuwa ka agdhawaa daarahaasi la weeraray.

weerarkii daarihii matanaha.

Diyaaraddii seddexaad oo ayna aheyd American Airlines Flight 77, ayaa ayna ku dul burburtay aqalka Pentagon-ka  waxaana halkaasi ku nafwaayay 125 ruux.

Isla maalintaasi waxaa lasoo afduubtay diyaaraddii afaraad oo nooceedu ahaa  United Airlines Flight 93, waxaana la rumaysan yahay in la rabay in lagu weeraro aqalka cad ee Maraykanka balse waxaa ay ku bur burtay Magaalada Shanksville ee gobolka Pennsylvania.

11-kii September waa maalin xasuus leh oo reebtay taarikh aan horay u jirin waxaana la sheegaaa in weerarkaasi ay noolal ugu baxeen kaliya dad dhan 20-ruux.

Ilaa iyo hadda waxaa jiraa dad u buka dhaawacyadii kaso gaaray weerarkaasi waxaana jiro in dadka qaar la aqoon kari waayay sida ay xaqiijiyeen qubura dhanka caafimaadka ku xildheer. Sanadkii 2016-kii ayay saynisyahanada Maraykanka sheegeen in 1,113 ruux oo kamid aheyd dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi aan ilaa iyo hadda la aqoonsan.

kooxaha dabdamiska oo daalan.
Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close