Wararka

Madaxweyne Waare oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid masuuliyiintii maanta ku geeriyootay qarax ka dhacay Hirshabelle.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabele Dr. Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdullaahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan iyo Ciidamadii la socday, kuwaas oo ay miino dhulka lagu aasay kula qaraxday inta u dhexeysa Wadada Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, anigoo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda Hirshabelle iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoysaskii, ehelladii, Guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed Gaar ahaan Reer Hirshabelle ay ka geeriyoodeen Mas’uuliyiintaasi iyo Ciidamada geesiyaasha ee iyagana shahiiday” ayuu Yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweyne waare ayaa sheegay in masuuliyiintaan ay ahaayeen kuwa wakhtigoodi soo galiyay u shaqaynta shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Hirshabele.

“Labada Mas’uul, Samafalaha, iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Hirshabelle u horumari laheyd” sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close