Wararka

Madaxweyne Deni oo Somaliland ugu baaqay in miiska wadahadalada la’is kuugu yimaado.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigaayay buug ay qortay aqoonyahanad Deeqa Jaamac Col-u-joog kaas oo loogu magac daray buugga Diwaanka Nabadda Soomaaliyeed (Hore, Hadda iyo Hadhow) ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in gayiga Soomaaliyeed laga gaaro dhab u heshiisiin waarta isagoo soo hadal qaaday xaaladda khilaafka xaduuda dhula kala dhaxeyso Somaliland.

Madaxweyne Deni ayaa Maamulka Somaliland ugu baaqay in dowlad Goboleedka Puntland ay diyaar u tahay  wada-hadal lagu dhameeyo khilaafka jiro si shacabka labada maamul ay nabad ugu waaraan.

“Fariinta ugu horaysa waxaan u dirayaa Soomaaliland, shaatigaaga waa lagugu qabsan karaa, dhulka Puntland ee ay kusoo xadgudubtey , wadahadal iyo nabad inaan ku dhammayno oo ku gar-naqsadaan baan ugu baaqaynaa” Ayuu yiri Madaxweyna Puntland.

Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad dhinacya badan taabanayso kajeediyay munaasabada lagu soo bandhigaayay buugga Diwaanka Nabadda Soomaaliyeed (Hore, Hadda iyo Hadhow) ayaa dhiira galiyay in wax laqora si horumar loo gaaro waxaa uuna naftiisa sheegay in uu balan qaadaayo in uu iibsanaayo 100 buug uuna u haddiyadeem doona shaqaalihiisa xafiiska.

buugga Diwaanka Nabadda Soomaaliyeed (Hore, Hadda iyo Hadhow) oo  Maanta lagu soo bandhigay xarunta Hay’adda Cilmi Baarista ‘PDRC’ Garoowe Kaas oo ay qortay aqoonyahanad Deeqa Jaamac Col-u-joog ayaa waxaa ay sheegtay in xogta buugaan ay ku qaadatay mudda 35-sano waxaa ayna Bulshada Soomaaliyeed u rajaysay in ay ka Faa’iidaystaan buugaas.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close