Wararka

Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddiga Ku-meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland.

Madaxweynaha dowlada Goboleedka Puntland Saciid C/lahi Deni ayaa Magacaabay Guddiga Ku-meelgaarka Ah Ee Doorashooyinka Puntland.

Madaxweyne Saciid C/lahi Deni ayaa isagoo tixgalinaayo Dastuurka Dowlad goboleedka  Puntland waxaa uu xeeriyay xunba gaaraayo 9-xubnood kuwaas oo si ku meel gaar ah ugu sii wadi doona howlihii guddiga Doorashooyinka Puntland.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa u qornaa sida tan:

Markuu arkay: Qodobka 80-aad iyo lifaaqa kowaad firqadiisa koowaad ee Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda.

Markuu arky: Qoraalka Sumaddiisu tahay

XGGW/DPL/85/2019 kuna taariikhaysan Ogoosto 14, 2019, kuna saabsan soo gudbinta xubnaha afarta ah ee golaha Wakiilladu soo sharaxeen.

Markuu garawsaday: baahida looqabo in la magacaabo Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland, si loo dar-dargeliyo geeddi socodka nidaamka dimuquraadiyaynta Puntland.

Wuxuu Xeeriyey.

Wuxuu Magaacay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland oo ah sagaalka xubnood ee hoos ku qoran.

  1. Cabdinuur Shiikh Maxamed Isxaaq
  2. Sahra Jaamac Saalax
  3. Cali Jaamac Faarax
  4. Cabdullaahi faarax Mire
  5. Cabdullaahi Cabdi Ducaalle
  6. Guulleed Saalax Bare
  7. Jaamac Xirsi Faarax
  8. Xafso Salaad Maxamed
  9. Cadirisaaq Axmed Siciid

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna Saxiixay Madaxweynuhu.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close