Wararka

Laba duuliya oo wada diyaarad ka qayb gashay dagaalkii koowaad ee addunka oo dulimaad ku tagi doona 30 dal.

Laba duuliya oo Ingiriis ah ayaa duulimaad ku mari doona ku dhawaad 30 waddan oo ka tirsan dhamaan toddobada qaaradood ee addunka iyagoo sita diyaarad nooca qumaatiga u kaca taas oo ka qayb gashay dagaalkii labaad ee addunka.

Diyaaradaan nooca qumaatiga u kaca ee looyaqaano Helicopter-ka ayaa maanta oo Isniin ah duulimaadkeeda kasoo bilawday Garoonka diyuuradaha Goodwood ee magaalada Chichester ee koonfurta Ingiriiska.

1943-dii ayaa diyaaradaan lasameeyay, waxaa ayna ka qayb qaadan jirtay dagaalada iyadoo si baaxad leh ugu qayb gashay dagaalkii labaad ee adduunka.

Matt Jones oo 45 sano jir ah iyo Steve Brooks oo isna 58-sano jir ah, waa labada duuliye ee maanta bilaabay duulimaadkooda ay ku mariyaan 30 dal waxaa ayna sheegeen in ay wakhti badan sugaayeen safarkaan oo ay aad ugu faraxsan yihiin in ay socdaal dhanka cirka ay ku maraan adduunka iyagoo wada diyaarad kamida kuwii ka qayb qaatay dagaalkii labaad ee addunka.

Matt Jones oo la hadlay wakaalada wararka ee (AFP)  ayaa sheegay In ay aad ugu faraxsan yihiin in ay u socdaalaan dalal badan waxaa uuna isagoo hadlaayo yiri “Waxaan u soconaa inaan arragno dad badan iyo dalal badan. Waxaana isleeyahay waa guul dib ayaana u soo laaban doonaa.waxaan rabnaa inaan diyaaraddaan caalamka sootusina”

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close