CiyaarahaWararka

Hordhaca  Zimbabwe vs Somalia.

Xulka qaranka Soomalia ayaa ka yaabsaday Zimbabwe kadib markii ay ka gaadheen guushoodi abid ugu horaysay ee is reeb-reebka adduunka iyaga oo haatan doonaya in ay sameeyaan taariikh kale.

Guushii uu xulka Soomaalia ka gaadhay xulka Zimbabwe ayaa ah hadal hayeen maalimihii la soo dhaafay marka loo eego in xulka ka mid ah  ugu qiimaha sareeya ay guuldaro kala kulmeen xulka ugu qiimaha sareeya kulan ka tirsan lugta 1-aad ee is reeb-reebka koobka adduunka xili Somalia gaadhay guushoodii ugu horaysay ee Abid ay ka gaadhaan is reeb-reebka koobka adduunka.

kulanka ayaa ka dhici doona garoonka national Sport stadium ee ku yaala caasimada Harare  xili uu xulka qaranka Soomaalia isha ku hayo in uu iska xaadiriyo wareega weyn ee is reeb-reebka  koobka adduunka.

Xulka Soomaalia ayaa ka baxay rigoorkii xumaa ee guuldarooyinka markii ugu horaysay tan ilaa January 2009 markaas oo ahayd markii ugu dambeeysay ee ay guul gaadhaan kulan Rasmi ah.

Xulka qaranka Zimbabwe ayaan wax guul ah gaadhin 5-tii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan iyaga oo laga badiyay 3 kulan oo uu ku jiro kulankii Soomaalia ee lugtii hore labada kulana bar-baro ayay galeen xulka qaranka Soomaalia ayaa bar-baro ama guul ay gaadhaan ka caawinnaysaa in ay markii ugu horaysay ee taariikhdooda u soo baxaan is reeb-reebka  weyn ee koobka adduunka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close