Ciyaaraha

Hordhaca West Ham vs Man city

Kooxda man city ayaa bilaaban doonta difaacashada koobka premier league marka ay marti tiyaan kooxda West Ham kulan ka tirsan premier league kana dhici doona garoonka London stadium. Man city ayaa xili ciyaareedka soo galaysa iyada oo isha ku haysa in ay markii 3-aad oo xariir ah ugu guulaystaan horyaalka Premier league kadib markii ay labadii xili ciyaareed ee la soo dhaafay ku guulaysteen.

Dhanka kale West Ham ayaa soo galaysa in ay bilaabato xili ciyaareed ay kaga dhamaysato  mid ka fiican booskii sanadkii hore kadib markii sameeyeen saxiixyo fiican.

Kooxda difaacanaysa horyaalka Premier league  ayaa kaliya laga badiyay laba kulan kadib markii ay bilowdeen difaacashada horyaalka waxana ay kala yihiin Leicester city oo guuldaro kala kulantay Hull city xili ciyaareedkii 2016/2017 iyo Chelsea oo guuldaro 3/2 ah kala kulantay Burnley 2017/2018.

Man city ayaa bar-bareen karta rikoorkii Chelsea ee 9-ka kulan ee ugu horeeya ee xidhiidhka ahaa ee ay gaadhay premier league kaas oo ayd dhigtay intii u dhexaysay 2002/2013& 2010/2011 .

West ham ayaa badisay 3ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay garoonkeeda kula ciyaartay kooxda difaacanaysa horyaalka 2kulan guuldaro ayay la kulmeen.

Sergio Aguero ayaa dhaliyay 6gool kulanka ugu horeeya ee premier league waana xidiga ugu badan ee sidaas sameeyay xidigaha haatan ciyaaraya tartanka kaliya waxa ka badan wayne rooney ALAN shearer , frank lampard & Teddy Sheringham kuwaas oo dhamaantood dhaliyay 8-gool.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close