Ciyaaraha

Hordhaca Liverpool vs Chelsea.

Indhaha dadka jecel kubada cagta ayaa u jeedsan doona garoonka Vodafone Park ee ku yaala dalka Turkey caasimada Istanbul kulan dhex mari doona kooxaha Liverpool & Chelsea kana tirsan finalka UEFA Super cup. kooxda Liverpool ayaa isha ku haysa in ay guulaysato super cup-ka markii 4-aad ee taariikhdeeda sidoo kale bar-barayso rikoodhka kooxda Real Madrid.

Dhanka kale kooxda Chelsea oo uu hogaaminayo tababaraha cusub ee Frank Lampard ayaa ku guulaysan karta koobka Super Cup-ka markii 2-aad ee taariikhdeeda.

Markan ayaa ah markii 4-aad ee ay Chelsea ciyaarto koobka UEFA Super Cup iyada oo ku guulaystay markii ugu horaysayee ay ciyaartay  sanadkii 1998 halka ay labadii jeer ee ugu dambeeyay guuldarooyin kala kulantay Atletico Madrid iyo Bayern Munich.

Kooxaha England ayaa markii 8-aad  ku ciyaaraayo garoonka Vodafone Park ee UEFA Super Cup kaliya kooxaha Spain oo ku ciyaaray 15-jeer iyo Italy oo 9-jeer ku ciyaaray ayaa ka badan.

Kulanka ayaa ah midkii 11-aad ee ay labada kooxood oo yurub ah isaga hor yimaadaan tan ilaa 2005 iyaga oo 10-ka mid ah ku guulaysteen champions league 2-ka mid ahna ku guulaystay Liverpool halka ay Chelsea 3-ku guulaystay 5-kalane bar-baro ku  dhamaaday kulamadii eey wada ciyaareen.

Kooxaha premier league ayaan ku guulaysan UEFA Cup tan ilaa 2005 markaas oo ay Liverpool ku guulaystay 4-guuldaro oo xidhiidh ah la kulmay oo ay ugu dambaysay guuldaradii Chelsea ee 2012 iyo 2013.

Liverpool ayaa markii 4-aad ku guulaysan karta koobka UEFA Super Cup iyaga oo bar-barayn  doona Real Madrid halka ay ka horayn doonaan Barcelona iyo Ac Milan oo min 5-jeer ku guulaystay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close