Ciyaaraha

Hordhaca Chelsea vs Leicester city.

Kooxda Chelsea ayaa marti galin doonta kooxda Leicester city kulankoodii 2-aad ee horyaalka premier league xili ciyaareedka cusub iyoo Frank lampard uu kulankiisii ug horeeyay ka soo muuqan doona Garoonka Stamford Bridge isaga oo tababare ah xili uu isha ku hayo in uu kooxdiisa ku hogaamiyo guushii ugu horaysay.

Dhanka kale Leicester city oo kulankii hore bar-baro gashay ayaa doonaysa in ay Lampard iyo wiilashiisa ka yaabsato kana gaadho guushoodii ugu horeeyay ee xili ciyaareedka .

Cayaarta ayaa soo gali doonta abaara 18:30 waxaana lagu dheeli doonaa Garoonka Stamford Brid waxaana halkaan idin kusoo gudbin doonaa  Xaqiiqooyinka kulanka:

Chelsea ayaa guul gaadhay kulamadeeda ugu horeeya ee premier league ay ku ciyaarto garoonkeeda 14ka mid ah 16-kii xili ciyaareed ee ugu dambeeyay iyada oo kaliya laga badiyay 2017/2018 markaas oo ay guudaro kala kulmeen Burnley .

Blues ayaa guuldaro la kulantay hal kulan oo ka mid ah 22-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier league garoonkeeda ku ciyaartay iyada oo ay guuldaradaas ka timid Leicester city bishii December 2018.

Tan ilaa bilowgii xili ciyaareedkii 2014/2015 weeraryahanka Leicester City  ee Jamie vardy ayaa dhaliyay 1-gool oo kulamada uu 6-da kooxood ee waaweyn kula ciyaaray garoonkooda kulankan ayaana noqon doona kulankii 500-aad ee ay Leicester city ka ciyaartay premier league taas oo Leicester ka dhigeeyso kooxdii 16-aad ee gaadh rikoodhkaas 15-kii kooxood ee hore ee kulankaas gaadhay 5-kooxood oo kaliya ayaa guul gaadhay kulankaas kuwaas oo kala ah Arsenal Everton, Spurs, Newcastle iyo Man city.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close